Ac milan oo isha laraaceeysa Sami Khadira

Wada hadalada udhaxeya Ac milan iyo Realmadrid ma ahan kuwo kusaabsan Kaka oo kaliya ee waxaa jira warar sheegaya in kooxda reer talyaani ay dooneeyso ineey heshiis lasoo saxiixato laacibka real khadka dhexe uga dagaalama ee lagu magacaabo Sami Khadira.

Ilo ku dhow Mailan ayaa sheegaya in Allegri uu doonayo inuu ka faa’iideeysto laacibkan maadaama Real ay dooneeyso ineey lasoo saxiixato Modric tasina ay keeni doonto inuu laacibkan asal ahaan kasoo jeeda Tuniisiya laakin haysta dhalshada jarmalka uu boos joogta ka ah kawaayo Realmadrid.

Laakiin saxaafada talyaaniga maysan oqrin qiimaha ay ac milan ku baadi goobeeyso laacibkan,laakiin waxay tibaaxeen in Giliani uu diyaar uyahay inuu wadahadalo lafuro naadiga real si ay udaboolaan baahida naadiga oo la tiicaya niyad jab soo gaaray dhamaan taageerayaasha Acmilan ka gadaal markii PSG laga iibiyay labada xidig ee naadiga ku tiirsanayd sida Ibrahimovic iyo Tiago Silva.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here