AC Milan oo go’aan ka qaadaneysa mustaqbalka Seedorf

Mulkiilaha ahna madaxweynaha kooxda AC Milan Silvio Berluscon,i ayaa laga soo xigtay isagoo leh waxaan go’aan ka qaadan doonaa mustaqbalka macallin Clarence Seedorf marka uu dhammaado xilli cayareedka hadda socda.

Cayaaryahankii horre ee Netherlands ayaa lagu badalay Massimiliano Allegr bishii January xilligaas oo kooxda ay la soo daristay dhibaato waaweyn oo ah xagga horyaalka oo waa laga adkaaday, haddase kooxda waxbo iska badalin oo kooxda ka dhisan San Siro waxa ay ku jiraa kaalinta 8-aad kala horeynta horyaalka.

Warbaahinta Talyaaniga ayaa horrey u tebiyay in macallinka reer Dutch laga yaabo in uu la ceyriyo kooxda.

“Qandaraaska Seedorf ee Milan waa labo sanno iyo wax ka abdan, waxaan ka qaadan doonaa go’aan mustaqbalkiisa anniga iyo guddiga kooxda,” Berlusconi ayaa sidaas u sheegay Radio Capital .

Berlusconi ayaa la weydiiyay in uu ku talla jirro kooxda in uu iska iibiyo maadama ay soo baxayn war sheegaya in maal qabeeno Shiinees ah in ay doonayaan kooxda in ay iibsadaan.

Wuxuu sheegay in aysan jirin wax hadda ku qasabeysa in kooxda uu iibiyo sidda uu yiri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here