AC Milan oo gadaal iska marisay Parma

Kooxda AC Milan ayaa dheereysatay hogaanka horyaalka Seria A-da dalka Talyaaniga kadib marki ay caawa 2-0 ku dubatay kooxda Parma oo ay marti ugu aheyd garoonkeeda Tardini.

Zlatan Ibrahimovic ayaa mar kale ahaa halyeeyga kooxda isaga oo furay goolka koowaad qeybti hore kaasi oo uu ku dhaliyey rigoore isaga lagu galiyey marki hore.

Milan oo uu caawa daawanayey milkiilaha kooxda Selvio Burlesconi oo mudo shan sana ah kadib u raacay ciyaar ay ku dheeleysay meel ka baxsan garoonkeeda ayaa dhalisay goolkeedii labaad gelinki danbe ee ciyaarta kadib marki uu u saxiixay Urby Emanuelson.

Milan haatan waxay ka sareysaa kooxda kusoo xigto ee Juventus 7 dhibcood oo nadiif ah, hase yeeshee Juve ayaa goor dhaw oo caawa ah la balansan kooxda Fiorentine, hadii ay badiso waxay soo yareyn doontaa dhibcaha laga sareeyo, laakin hadii ay wrapped up the spoils just before the hour mark to put the lelumiso waxay noqon doontaa in ay farqigaasi todobada buunda ah uu u dhaxeyn doono.

Waxaa xusid mudan in mudo shan bilood kadib uu caawa Milan u saftay laacibkooda Gennaro Gattuso kaasi oo kasoo laabtay dhaawac culus oo uu ka qabay araga isha.

Waxa uu kusoo galay badal ciyaarta oo ay ka dhineyd 10 daqiiqo isaga oo lagu badalay Sulley Muntari, waxay aheyd ciyaarti ugu horeysay ee uu Milan u safto tan iyo bishi September.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.