Ac-milan oo Daneyneysa xidiga Realmadrid ee Xabi Alonso

Xabi Alonso oo sabab u ahaa guushiiSpainay kagaartay xulka faransiiska kadib markii uu saxiixay labadii goo lee looga adkaaday ayaa soo jiitay indhaha naadiyo waaween.

Naadiga Ac-milan ayaana ugu horeeya naadiyada indhaha laraacaya xidigaan waxayna dooneeysaa ineey xagaaga soo socda lasoo shartagto, Rosaneri ayaa dooneeysa ciyaaryahan si wanaagsan umaamula qadka dhexe kadib markii ay isaga tageen dhowr ciyaaryahan oo kaciyaari jiray booskaas, qaab ciyaareedka wanaagsan ee uu Alonso soo bandhigay tartanka Euro 2012 hada kasoconaya wadamada Ukrine iyo Poland waxa uu soo jiitay tababare Allegri

Saxaafada talyaaniga ayaa baryahanbo aad uhadal haysay hamiga Milan eek u aadan xabi Alonso inkastoo ay ku adkaan doonto sidii ay kuheli lahaayeen ciyaaryahankan iyadoo lawada ogyahay in Mourinho dhowr mar uu ku celceliyay in Alonso marnaba uusan beec aheyn uuna yahay kan ugu wanaagsan ciyaartoydiisa