AC Milan iyo Arsenal oo goor dhaw oo caawa ah isku haleelaya garoonka San Siro

Waxaa goor dhaw oo ay ka harsantahay wax ka yar 2 saac oo caawa ah ku balansan garoonka San Siro ee magaalada Milan kooxaha AC Milan iyo Arsenal lugta koowaas ee koobka Uefa Champions League.

Kooxda Arsenal waxaa dhaawac uga soo kacay daafaca daafaca lagu magacaabo Kieran Gibbs kadib marki uu garoomada ka maqnaa tan iyo bishi October.

Hase yeeshee waxaa ka maqnaanaya daafaca kale ee la yiraahdo Per Mertsacker kaasi oo ku dhaawacmay kulanki Sabtidi ay la ciyaareen kooxda Aston Villa.

Thomas Vermaelen ayaa la filayaa inuu buuxiyo booska uu baneeyey daafaca reer Jarmal ee Mertesacker.

Xagaasi iyo kooxda Milan waxaa usoo laabtay Alessandro Nesta, Pato iyo Kevin-Prince Boateng kuwaasi oo laga yaabo in lagu bilaabo ciyaarta, inkastoo macalin  Massimiliano Allegri uu ka dhawaajiyey in qaarkood sida Kevin-Prince Boateng uu keydka ku bilaabi doono.

Waxaa sidoo kale dhaawaca kasoo kacay laacibki hore ee kooxda Arsenal Mathieu Flamini, goolhaye Christian Abbiati iyo daafaca la yiraahdo Mario Yepes, halka weeraryahanki hore ee kooxaha Barcelona, Inter Milan iyo Juventus Zlatan Ibrahimovic uu kasoo laabtay ganaax ka saarnaa horyaalka Seria A-da.

Si kastaba ha ahaatee xidigaha Milan ayaa sheegay in arintu ay ka duwantahay sidi sanadki 2008 markaas oo ay Arsenal ku garaacday 2-0 kooxda Milan oo waliba ku ciyaareysay garoonkeeda San Siro oo kulanka caawana uu ka dhici doono.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.