AC Milan 4-0 Arsenal

Kooxda AC Milan ayaa si xun ugu tumatay xalay naadiga caanka ah ee Arsenal kadib marki ay ku garaacday 4-0, is araga hore ee wareega 16-ka koobka kooxaha horyaalada Yurub ee Champions League.

Ciyaarti xalay ka dhacday garoonka San Siro  ayaa waxaa kasoo baxday natiijo filan waa ku noqotay taageerayaasha kooxda Arsenal oo sanadki 2008 isla garoonkan 2-0 ku qaarijisay Milan.

Milan oo kusoo gashay si karti iyo dhiiranaan ay ka muuqatay ayaa goolka hore heshay daqiiqadi 15–aad ee ciyaarta kadib marki uu kubad uu usoo karoosay Antonio Nocerino uu intuu xabadka ku dagsaday sideeda u daba dhigay iyada oo aanan dhulka uga dhicin ciyaaryahan Kevin-Prince Boateng.

Goolka labaadna waxaa daba dhigay ka hor waqtiga nasashada weeraryahan Robinho oo madaxa ku dhaliyey kubad uu usoo dhigay Ibrahimovic daqiiqadi 38-aad ee ciyaarta.

Gelinki danbe ee ciyaarta halkeedi ayey kasii socotay waxaana macalika Arsenal Arsen Wenger uu goobta keenay weeraryahan Thery Henrey oo xalay saftay kulankiisi ugu horeeyey, hase ahaatee inta uusan taaban ayey Milan dhaliyeen goolki sadexaad waxaana shabaqa taabsiiyey mar kale Robinho daqiiqadi 49-aad.

Zlatan Ibrahimovic oo ka shaqeeyey labadi gool ee Robinho ayaa saxiixay goolka afraad oo ahaa rigoore kadib marki uu xerada ganaaxa ku riday daafaca Arsenal Djourou.

Natiijadaasi ayey kusoo idlaatay ciyaarta waxaana guuldaradi xalay qabsatay Arsenal ay aheyd tii ugu cusleyed ee kasoo gaarto koobka Yurub ee loo yaqaano Champions League.

Afar Sano ka hor Arsenal wareegaan oo kale is araga hore waxa ay ku cuntay Milan isla garoonki xalay waxaana ay kaga badisay 2-0, is aragi kale ee ka dhacay magaalada London waxa uu ku dhamaaday bar bar dhac 0-0 ah.

Hada Arsenal shaqo adag ayaa sugeysa oo waxa loogaga baahanyahay in ay Milan uga badiso 5-0 hadii ay rabto in ay usoo baxdo wareega labaad, balse su,aasha taagani ayaa ah kooxda Milan oo ah koox caan ku ah tartankan ma qaadan doontaa in 5-0 laga dhaliyo.

Kulan kale oo xalay dhacay waxa isku arkay kooxaha Zenit St. Petersburg iyo Benfica, waxaana 3-2 ay guusha ku raacday kooxda Zenit St. Petersburg.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.