Abwaan Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) oo maanta lagu aasay magaalada Hargeysa

Waxaa lagu aasay maanta allaha u naxariistee marxuum Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye xabaalaha Xeedho ee magaalada Hargeysa kadib markii uu abwaankuku geeriyooday magaalada Oslo ee dalka Norway.

Maydka Marxuum Gaarriye oo maanta laga soo dejiyay Garoonka diyaaradaha ee magaaladda Berbera, ayaawaxa aaskiisa ka qayb-galay Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Masuuliyiinta xukuumadda intooda badan, Abwaano uu ka mid ahaa Max’ed Ibraahim Warsame (Hadraawi), fanaaniin, aqoonyahan, ardayda Jaamacada, Madax-dhaqameed iyo guud ahaan qaybaha kala duwan ee bulshada.

Abwaan Maxamed Dhamac Gaarriye ayaa ahaa suuganyahan Soomaaliyeed  wuxuuna macallin ka ahaa jaamacadaha Hargeysa iyo Camuud ee Boorame.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here