Abwaan Hadraawi oo Abaal-marin caalami ah la guddoonsiiyey

Waxaa xaley magaalada Hargeysa lagu qabtay xaflad wayn oo abaal-marin lagu guddoon siinaayay Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi).

Abaalmarinta oo la yiraahdo Prince Claus, waxaa bixisa dowladda dalka Netherlands, waxaana sannad kasta la guddoonsiiyaa dadka loo arko in ay door ka qaateen horrumarinta dhaqanka iyo bulshadda.

Abwaan Hadraawi oo Abaal-marin la Guddoonsiiye
Abwaan Hadraawi oo Abaal-marin la Guddoonsiiye
Waxaa abwaanka guddoonsiiyay dajiraha dowladda Netherlands u qaabilsan dalka Kenya Mr. Joost Reintjes, waxaa kaloo goobta joogay dad aad u badan kuwaasoo ku farxay abaalmarinta la siiyay abwaanka caanka ah Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi).

Danjiraha ayaa sheegay Abawaan Hadraawi in uu yahay shakhsi wax kus oo kordhiyey sugaanta iyo dhismaha bulshada.

Mr.Reintjes, ayaa sidoo kale sheegay inuu ku faraxsan inuu ka soo qaybgalo xafladan abaalmarinta lagu gudoonsiinayey abwaan Hadraawi, waxaanu xusay inuu ila yaraantiisii jeclaa Soomaaliya oo uu iman jiray.

“Waxa ii sharaf ah in boqorada Holland ay aniga iyo ummad aan ka dhashay noogu deeqday.Waxaanay abaal-marintani tahay in aan dadaal wax ku doono, waayo waa tii la yiri Raganimo meel cad ah ayaa lagu kala baxaa.” ayuu goobta ka sheegay abwaan Hadraawi

Abaalmarinta la siiyay abwaanka waxaa kaloo la socotay lacag gaareysa 25,000 oo dollaar, taasoo horrey abwaanka ay ugu soo dirtay boqorada dalka Harland.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here