Abwaan Dhoodaan oo ku geeriyooday dalka Ethiopia

Allaha ha u naxariisto waxaa saaka magaalada Harar ee dalka Ethiopia ku geeriyooday Abwaan Cabdulaahi Macalin Axmed Dhoodaan.

Marxuumka ayaa la sheegay in uu ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla magaalada Harar halkaasoo loo geeyay xaunuun hayay.

Abwaan Dhoodaan oo maanta ku geeriyooday Herar
Abwaan Dhoodaan ayaa ka mid ahaa sugaanyahanada Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan dhammaan meelahaa looga hadlo Afsoomaaliga.

Xaaladiisa caafimaad ayaa la sheegay in ay aad u liidatay abwaanka oo xanuun daran ayaa hayay.xanuunka hayay abwaanka ayaa la sheegay in Sambbabada uu xanuunayay iyadoo xilliyada qaarna ay ku adkeyd in uu si fudud u neefsado.

Abwaan Dhoodaan wuxuu caan ku ahaa gabayada Jacburka, oo dadka Soomaalida ay aad u jeclaayeen.

Abwaan Dhoodaan ayaa sida isaga laga hayo wuxuu ku dhashay magaalada Wardheer ee dalka Ethiopia sannadkii 1941-dii, wuxuu sannadihii dambe ku noolaa magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deeganka Soomaalida ee Ethiopia.

Dhammaan maamulka iyo shaqaalaha Shabakadda Midnimo.com waxa ay tacsi u diriyaan ehelada iyo dhammaan dadkii uu ka baxay Abwaan Cabdulaahi Macalin Axmed Dhoodaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here