Abwaan caan ah oo caawa Muqdisho ku geeriyooday

Waxaa caawa maqribki magaalada Muqdisho ku geeriyooday ALLA ha u naxariistee Abwaan Xasan Warsame Xiireey (Xasan Gabay) oo ka mid ahaa abwaaniinta Soomaaliyeed.

Xasan Gabay oo ka tirsanaa kooxda Horseed ayaa u dhintay xanuun uu la jiifay labadi bilood ee lasoo dhaafay sida uu xaqiijiyey abwaan Maxamuud Kaadheeri oo uu girigiisa ku qurbaxay.

“Alla ha u naxariisto Abwaan kaa dheeri waxa uu geeriyooday maqribki, waxaana maalmahanba uu ahaa nin iska xanuunsan, gurigeyga ayuu ku dhintay marka aaskiisa ayaan rabnaa in aan beri sameyno,” ayuu yiri.

Alla ha u naxariistee Abwaanka ayaa ka mid ahaa kuwa ugu cansanaa kooxdii hobolada Horseed, isaga oo ka qeybqaatay curinta heeso igu jiray guubaabo, wadani iyo jacel.