Abuukar Armaan: Hala Bedelo AMISOM, Dawladana Haku Xirato Turkiga

Dibadbax_Waxqabadka_Turkiga_5Danjirihii hore ee Soomaaliya u fadhiyay dalka Mareykanka, Abuukar Armaan ayaa ku taliyay in ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya lagu beddelo ciidamo nabad-ilaalin ah oo ka socda Qaramada Midoobay.

Abuukar ayaa qoraal uu aragtidiisa ku cabirayay ku sheegay inaanay ciidanka AMISOM xal u soo wadin Soomaaliya, sidaas awgeed, wuxuu kula taliyay dowladda federaalka Soomaaliya inay ka codsato Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in dalka laga saaro AMISOM.

Talooyin kale oo uu siiyay dowladda ayaa waxaa ka mid ahaa inay dowladda caddeyso sida ay uga go’an tahay dib-u heshiisiin dhab iyo inay dowladda Turkiga la gasho heshiis labo geesood ah oo lagu dhisayo ciidan qaran oo Soomaaliya ay leedahay, wuxuu qoraalkiisa ku sheegay in lacagta loogu deeqo in lagu xasiliyo ammaanka Soomaaliya ay si toos ah u aaddo AMISOM, isagoo intaas raaciyay in tobankii sano ee ugu dambeeyay aan la sameyn isku day dhab ah oo lagu dhisayo ciidan qaran oo xooggan oo xirfad leh.

Halkii askari oo AMISOM ah ayuu sheegay inuu u dhigmo ugu yaraan toban askari oo Soomaali ah, sidaas oo ay tahay-na ay ciidanka Soomaalida yihiin kuwa ku dhimanaya weerarada iyo qaraxyada ay geysaneyso Xarakada Al-Shabaab, Abuukar ayaa si adag uga soo hor-jeestay ku darista ciidanka Itoobiya ee lagu daray AMISOM, wuxuuna sheegay inay tallaabadaasi wiiqi doonto ammaanka xilliga fogna, abuuri doonto musiibo bini’aadannimo, burburin doonto kalsoonida lagu qabi karo ciidamada Midowga Afrika.

Wuxuu is-waydiiyay sida ciidamo sanadihii 2007-2009 xasuuqay shacab badan oo Soomaali ah, geystay gabood-fallo ka dhan ah bini’aadannimada, loo oran karo waxay maanta diyaar u yihiin inay u dhintaan dadkii ay shalay xasuuqeen.isagoo dhinaca kale tilmaamay in siyaasadda Itoobiya ay u janjeerto rabitaanka iyo damaca maamulka KMG ah ee Jubba, Puntland iy Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here