Abuu Muscab: waxaan beegsan doonaa masuuliyiinta Jubba

abuu-muscabAfhayeen u hadlay Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay in ay beegsan doonto mas’uuliyiinta maamulka KMG ah ee Jubba iyo sidoo kale kuwa dowladda Sooamaliya.

Afhayeenka howl galada Shabaab Abuu Muscab ayaa sheegay meel walba ay ku ugaarsan doonaan kuwii ka dambeeyay in Ciidamada AMISOM dalka soo galaan.

“Waxaan beegsan doonaa kuwii dalka ku soo hogaamiyay ciidamada Shisheeye ee ka socda, Brundi, Uganda, Kenya, Itoobiya iyo Sierra Leone”ayuu yiri Abuu Muscab oo la hadlayay warbaahinta afka Shabaab ku hadasha.

“Dilkii lagu fuliyay Ciise Kambooni wuxuu farriin u yahay kuwa weli gacmaha kula jira dhibaateysan dadka muslimiinta ah ee ku nool deegaannada aanay ka talin Al-shabaab,” ayuu yiri Abuu-Muscab.

“Magacyada kuwa dhibaatada ku haya shacabka muslimiinta ah ee ku nool deegaannada ay ka taliyaan meel ayay noogu qoran yihiin, waana beegsan doonnaa. Tan ay ku badbaadi karaanna waa inay ka waantoobaan falalka ay ku jiraan,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in sidoo kale ay beegsan doonaan mas’uuliyiin uu sheegay inay dalka kusoo hoggaamiyeen AMISOM oo uu ku sheegay ciidammo dhibaato ku haya shacabka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here