Abuu Mansuur Al-Amriiki oo gacanta Shabaab ku dhintay

Sida ay qorayaan saaka oo Arbaca ah, wakaaladaha wararka, waxaa laga warhelay in uu geeriyoodayAbuu Mansuur Al-Amriiki oo ka mid ahaa ajaaniibta ka barbar dagaalanta Al-Shabaab.

Sheekh Fu’aad Maxamed Shangole, oo ka mid ah saraakiisha Al-Shabaab ayaa sheegay in shaley galab meel u dhow tuulada Raama-caddey ay rag hubaysan ku toogteen Al-Amriiki.

Shangole, ayaa hadalkan ka sheegay muxaadaro uu ka jeediyay xaley masjidka weyn ee magaalada Buul0-barte ee gobolka Hiiraan .

Wuxuu sheegay in rag uu ku tilmaamay ‘murtadiin’ ay Abuu Mansuur Al-Amriiki dil gaadmo ah u geysteen deeganka Raama -Caddeey oo ka tirsan gibalka Baay.

Mar uu faah-faahin ka bixiyay sida uu u dhintay Amriiki, wuxuu xaqiijiyay in iska hor imaad ka dhacay goobta lagu dilay Al-Amriiki ay ku geeriyoodeen tiro Al-Shabaab ka tirsanayd oo ay ku jiraan saraakiil sare.

Si kastaba, waxaa loo badinayaa sida ay lee yihiin dadka aan ka soo xiganay warkan in Abuu Mansuur ay dileen dad ku dhow-dhow Hoggaamiyah Al-Shabab Axmed Godane oo loo yaqaano Abuu Zubair.

Si kastaba, Al-Amriiki ayaa dhowaan bogga internetka ee Twitter soo dhigay sawirro muujinaya dhaawacyo ka soo gaaray isku day lagu doonayay in lagu dilo, wuxuuna ku eedeeyay Axmed Godane in uu doonayo in la dilo shisheeyaha ka garab dagaallama Al-Shabaab.

Ma jiraa ilaa hadda war lahubo oo caddeynaya dilka Abuu Mansuur Al-Amriiki, laakin dowladda Soomaaliya waxa ay lee dahay waxaa nalugu soo wargaliyay dilka  Omar Hammami.

Dowladda Mareykanka ayaa sannadkan 2013-ka lacag shan milyan oo doollar dul dhigtay madaxa Abuu Mansuur Al-Amriiki oo markii horre ka yimid gobalka Alabama.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here