Abuu Cubeyda: Turkigu waxeey doonayaan dhaqaalaha Soomaaliya

1024x576_338454Hogaamiyaha kooxda Al-shabaab ee Mayalka adag “Axmed Diiriye” ayaa talaadadii lasoo dhaafay ka dhawaajiyay in Turkigu ay u ordayaan ineey boobaan dhaqaalaha Soomaaliya.

Axmed Diiriye, ayaa markiisi ugu horeeysay soo duubay fariin cod ah, tan iyo 2014 markaasoo xilka kala wareegay hogaamiyihii duqeynta lagu dilay ee Godane.

Axmed Diiriye, oo sidoo kale magaciisa afgarashada kooxda al-shabaab uu yahay “Abuu Cubeyda”, ayaa soo duubay fariin cod ah oo soconeysa 44 daqiiqo, waxaana ciwaan looga dhigay “dhaqan galinta shareecaha ama shahaado qaadasho”. waxaana lagu baahiyay fariintan codka ah baraha bulshada ee kooxda gaar ahaan Idaacada Andulus.

“Turkigu waxeey cadaw ku yihiin ummada Soomaaliyeed, waxeey doonayaan ineey boobaan dhaqaalaha Soomaaliya” ayuu fariintiisi ku yiri hogaamiyaha al-shabaab.

“Turkigu waxeey kusoo duuleen dhaqaalaha Soomaaliya, iyagoo ku marmarsiyoonaya ineey dib u dhisayaan” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Turkiga ayaa tan iyo sanadkii 2011 si aad ah saameyn ugu lahaa arimaha Soomaaliya, waxaa uu gudaha dalka ka hir galiyay mashaariic aad u farabadan, sidoo kale Turkiga waxa uu dhaqaalo ahaan iyo Milatari ahaanba u taageeraa Doowlada Federaalka.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here