Ambassador Ilkadahab: Kulanki maanta waxa uu guul u ahaa xildhibaanada xilka ka qaaday Sharif Xasan

Faah faahinti ayaa kasoo baxday kulanki maanta Muqdisho ku dhexmaray wakiilo ka socday beesha caalamka iyo xildhibaanadi xilka ka qaaday gudoomiyaha baarlamaanka.

Xildhibaan Maxamed Xuseyn Ilkadahab oo ka mid ahaa mudanayaashi ka qeybgalay kulanka ayaa caawa u sheegay warbaahinta in uu kusoo dhamaaday jawi wanaagsan oo ay guul ugu jirtay xildhibaanada kasoo horjeeda afhayeenka baarlamaanka.

Ambassador Ilkadahab ayaa tilmaamay in xubnaha ka socda UN-ka iyo Midowga Africa ee Muqdisho u yimid dhex dhexaadinta laga dhaadhacsiiyey in xildhibaanada xilka ka qaaday Sharif Xasan ay kasoo horjeedaan qorshaha roadmap-ka iyo in ay fowdo wadaan.

Waxa uu sheegay in ay ka dhaadhacsiiyeen in ay diyaar u yihiin dhamaan waxa la xiriira arinta geedi socodka looga baxayo waqtiga KMG, balse aysan dooneyn in uu jagada kusoo laabto Shariif Xasan Sheekh Aadan.

“Waxaan u sheegnay in aanan diidaneyn arinta roadmap-ka taasi oo runti ay aad uga dhaadhacsaneyd in aan diidanahay, xaqiiqada ayey ogaadeen, kulanki maantana waxa uu guul u ahaa xildhibaanada xilka ka qaaday Sharif Xasan.

Wali wax war ah kama aysan soo bixin wakiiladaan ka kala socday Qaramada Midoobay, Midowga Africa iyo IGAD.

Wixii warara soo kordho lana soco

Xafiiska Wararka Midnimo,  webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com