Abu Zubeyr: beesha Cayr ha u aar gudo macalin Adan Ceyroow.

Hogamiyaha Al Shabab Sheekh Mukhtaar Abu Zubeyr ayaa ugu baaqay beesha Cayr in ay u aar gudanaa taliyihi hore ee dagaalyahanada Shababa Adan Ceyroow.

Wareysigi ugu horeeyey ee uu siiyey warbaahinta ku hadla afka Soomaaliga gaar ahaan Radio Andalus oo ah idaacad ku hadasho codka Al Shabab ayuu Abu Zubeyr oo magaciisa dhabta ah la yiraahdo Axmed Godane kaga arimo kala duwan oo ku saabsan xaalada Shabab, Al Qacida, Maxkamadihi Islaamiga, iyo arimo kale.

Isaga oo si gaar ah uga hadlayey dilki ay Mareykanka u geysteen Adan Ceyroow oo gantaal bada laga soo tuuray lagula qarxiyey guri uu kaga sugnaa magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgudud ayuu sheegay in dilkaasi uu sharaf u yahay beesha uu kasoo jeedo.

“Xaqiiqatan walaalkaasi geeridiisa guud ahaan sharaf ayuu u yahay muslimiinta, gaar ahaan beesha uu ka dhadhay, marka waxaan kula talinayaa dhalinyarada kasoo jeedo beeshaas in ay raacaan dariiqada wiilkooda Macalin Aadan tusaalana haka dhigteen,” ayuu yiri.

Abu Zubeyr oo wax laga weydiiyey doorki ay Al Qacida ka qaadaneyso dagaalada Soomaaliya iyo waqtiga ay soo bilowday ayaa sheegay in Soomaaliya ay aheyd halki ay dagaalyahanada Al Qacida ku ogaadeen fulaynimada askarta Mareykanka.

Dhageyso Wareysi Sheekh Mukhtaar Abuu Zubeyr

[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2011/12/hogaamiyahashabab.mp3″]

“Dhab ahaanti Al Qaacida waxay ku lahaayeen kaalin wax ku ool ah tababar taakulo ka qeybgal intaba, rag badan oo aad muhiim u ah ayaa yimid Soomaaliya, iyaga ayaa garab u ahaa labada sheeq, waxaana la oran karaa bilowgi koowaad ee ay mujaahidiinta dagaal la galeen Mareykanka ee gudaha Soomaaliya ayeyba ku ogaadeen fulaynimada askarta Mareykanka,”

Wuxuu weeraray culimada kasoo horjeedo mabaadi,da Al Shabab isaga oo ku tilmaamay culimo xun.

“Kuwo ku baaqi jiray kitaabka haleysku xukumo ayaa maanta ku baaqyaa in la isku xakumo qawaaniinta wadciga, kuwi ku baaqi jiray hogaamiye kooxeedyada hala dagaalamo ayaa maanta safkaasi ku jiro, waxaan ognahay culumaa,usuu inay ahaayeen kuwo fatwooday in yahuud heshiis lala galo iyo in gaalada lasoo geliyo bilaadul xarameyn, arintaasoo mabaadi,da islaamka kasoo horjeedo”

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.