Abu Muscab: ‘Sh Shariif faro cida leh ayuu noogaga baxsaday’ (Dhageyso)

Al Shabaab ayaa sheegay in ay ku rabeen weerarki shalay lagu qaaday kolonyo galbineysay madaxweyne Sharif Sheekh Axmed in ay isaga ku qaarijiyaan.

Afhayeenka Al Shabaab, C/casiis Abu Muscab ayaa sheegay in weerar jid gal ah oo ay ku sameeyeen kolonyada waday madaxweynaha ay ugu suura gashay in ay ku dilaan ciidamo ka tirsan kuwa dowlada iyo AMISOM.

Abu Muscab ayaa ku adkeystay in ay ula danlahaayeen weerarkaasi in ay ku qaarijiyaan madaxweyne Shariif, isaga oo intaasi raaciyey inuu uga fakatay faro cida leh sida uu hadalka u dhigay.

Dhageyso Warbixintii Abuu Muscab

[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2012/05/AbuMuscab.mp3″]

 

“Inta u dhaxeysa Calamada iyo Ceelasha inta u dhexeyso ayey ka dhacday arintu, mujaahidiinta waxay ku sameeyeen kamiin xoogan oo isku xiran, Shariif wuxuu ku jiray Taangi ay kufaartu lahaayeen laakin maleeshiyaadka ilaalada u ahaa iyo kufaarta meeshaas ayuu qasaaro kusoo gaaray, laakin Shariif mujaahidiinta wuxuu uga baxsaday fara foodood,” ayuu yiri Abu Muscab.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Maxamed Cali ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkaasi isaga oo ku tilmaamay mid fulaynimo ah.

Weerarkaasi waxaa ku dhintay hal ruux todobo kalana dhaawac ayaa kaso gaaray, laakin madaxweyne Shariif ayaa ka badbaaday, waxaana shilkaasi uu dhacay xilli uu kasoo laabanayey booqasho uu ku tagay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.