Abu Muscab: “Sadex gaari oo tikino ah ayaan ka qabsanay Ahlu Sunna”

Kadib dagaalki cuslaa ee shalay ku dhexmaray Al Shabaab iyo Ahlu Sunna deegaanka Ceel Garweyne ee gobolka Galguduud ayaa waxaa soo baxaya guulo ay kala sheegayaan labada dhinac.

Afahyeenka Al Shabaab, C/casiis Abu Muscab ayaa sheegay in dagaalki shalay oo ahaa weerar ay jidka ugu galeen kolonyo Ahlu Sunna ay leedahay ay ku dileen askar badan isla markaana ku qabsadeen gaadiid dagaal.

Wuxuu sheegay in ay gavanta ku dhigeen sadex baabuur oo laba ka mid ah ahaayeen gaadiidka tiknikada loo yaqaano mid afraadna ay gubeen.

“Sadex gaari oo laba tikinko ah iyo mid qooqan ah ayey mujaahidiinta kala hareen, kuwi kale way carareen marki ay dhax sii marayeen ayaa gaari kale miino kala kacday, inti kale waxay sii socdeen marki danbe kuwi soo haray ayaa iyaga oo isku dayaya in ay is aruursadaan hase yeeshee weerar ayaan ku qaadnay,” ayuu yiri.

Ahlu Sunna sarkaal u hadlay oo lagu magacaabo Sheekh Geedaqorow ayaa beeniyey sheegashada Al Shabaab.

Al Shabaab iyo Ahlu Sunna ayaa ku dagaalamayey gobolka Galguduud tan iyo sanadki 2009.

1 COMMENT

  1. Alshabab wa kha,imiin alle ka furtay hdii run sheegayan gafurka ha furten maxey ladubanayan

Comments are closed.