Abu Mansuur oo u digay ciidanka Itoobiya ee jooga Baydhabo

Mid ka mid ah hogaamiyaasha Al Shabaab ee kasoo jeeda gobolada Bay iyo Bakool, Abu Mansuur Rooboow ayaa marki ugu horeysay ka hadlay ciidanka Itoobiya ee qabsaday Baydbao.

Abu Mansuur ayaa uga digay ciidanka Itoobiya iyo ciidamada dowlada KMG Soomaaliya in ay sii joogaan gobolka, isaga oo iclaamiyey dagaal laba labaan oo ka duwan kuwi hore oo ka dhan ah Itoobiyaanka.

Sarkaalkan ayaa ugu baaqay waxgaradka iyo dhamaan shacabka reer Baydhabo in ay AL Shabab ku gacan siiyaan la dagaalanka ciidamada Itoobiya.

“Waxaan ugu baaqayaa culuma,udiinka, salaadiinta iyo dhalinyarada in aad garab istaagtaan mujaahidiinta, waxaan ugu baaqayaa dhamaan shacabka in ay nala dilaan gaalada goboladeena joogto, balan ma tahay in aad nala dishaan gaalada, aan leyno gaalada nagu soo duushay waana dagaalami doonaa ilaa keena ugu danbeeyo uu dhimanayo” ayuu yiri.

Waa marki ugu horeysay ee uu Abu Mansuur ka hadlo xaalada gobolka Bay iyo magaalada Baydhabo tan iyo marki uu ka baxay isaga iyo ciidamadiisa bishi aanu kasoo gudubnay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

Comments are closed.