Abu Mansuur oo Buurhakaba kula hadlay dadweyne fara badan (Dhageyso)

Abu Mansuur Rooboow oo ka mid ah saraakiisha sare ee Al Shabaab ayaa shalay meel fagaara ah kala hadlay dadka ku nool degmada Buurhakaba oo ka mid ah gobolka Bay.

War lagu daabacay bar internet ah oo taageerto Al Shabaab ayaa lagu sheegay in Abu Mansuur uu ugu baaqay dadki usoo baxay qudbadiisa in dagaalka Soomaaliya ka socda uu galay waji cusub.

“Waxaan idiinkugu bishaareynayaa in dagaalka uu galay marxalad cusub oo aan ku naafeyneyno cadawga nagu soo duulay, awal xerooyinkooda ayaan ku weerari jirnay, hadase way is fidiyeen oo si toos ah ayaa loo wajahayaa ayuu ku yiti.” Abu Mansuur.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ay soo yaraaneyso magaalooyinki ay ka arrimin jireen Al Shabaab ee bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, kuwaasi oo haatan usii dhamaanaya gacanta dowlada.

Dhageyso Qudbadii uu Jeediyay

[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2012/05/roobow.mp3″]

Magaaladi ugu danbeysay ee laga qabsaday waxay aheyd Afgooye oo ah magaalo istaraatiiji ah taasi oo ay ciidamada AMISOM iyo kuwada dowlada Jimcihi qabsadee, sidoo kale horay waxay u qabsadeen dowlada magaalada uu kasoo jeedo Abu Mansuur ee Baydhabo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.