Abu Mansuur oo baaq u diray dhalinyarada u dagaalanto Al Qaacidada Soomaaliya

Sheekh Mukhtaar Rooboow Abu Mansuur oo ka mid ah saraakiisha ugu sareysa Al Qaacidada Soomaaliya ayaa ku baaqay in dagaal xoog leh lagala hortago ciidamada Itoobiya.

Qudbad uu shalay u jeediyey dagaalyahano cusub ka tirsan Al Shabaab  oo tababar loogu soo gaba gabeeyey magaalada Baydhabo ayuu ku sheegay in laga hortago ciidamada Itoobiya ee kusoo wajahan gobolada Bay iyo Bakool.

Wuxuu sheegay Al Shabaab loo aas aasay in ay la dagaalanto gaalada iyo cid kasta oo kusoo duusho dalka Soomaaliya, haatanna ay soo galeen ciidamada Itoobiya qeybo ka mid ah Gedo iyo Bakool.

“Ilaaheey idinkiis waan dhameyn doonaa gaalada nagu soo duushay, hadafka mujaahidiinta loo aas aasay awalkiisi hore wuxuu ahaa in aan la dagaalanno gaalada,” ayuu yiri.

Warka Abu Mansuur ayaa imaanaya xilli ay ciidamo badan oo Itoobiyaan ah soo gaareen deegaanada Yurukud iyo Bohol Bashiir oo ka tirsan gobolka Bay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.