Abu Mansuur: “Mareykanka haduu wax tarayo waxaan joogaa masaajidka Buurhakaba” (Dhageyso)

Mid ka mid ah madax ka tirsan Al Shabaab oo uu dhawaan Mareykanka madxahooda dul saaray $33 oo doolar ayaa sheegay halka uu kaga suganyahay Soomaaliya.

Mukhtaar Rooboow Cali (Abu Mansuur) oo dad badan kula hadlay masaajid ku yaala degmada Buurhakaba ee gobolka Bay salaadii Jimcaha ee shalay kadib ayaa sheegay in uu si amaan ah ku maro meel walba oo ka mid ah gobolada uu kasoo jeedo.

Wuxuu sheegay in Jimcihi hore uu ku tukaday degmada Tiyeeggloow shalayna uu ku sugnaa Buurhakaba isla markaana uu joogayo isaga oo aanan ka baqeyn duqeymaha Mareykanka.

Isaga oo ka hadlayey lacaga madaxiisa la duldhigay ayuu sheegay in taasi ay magac dil iyo jees jees ku tahay dadka Soomaaliyeed ee Muliska ah.

Halkan ka dhageyso qudbada Abu Mansuur.