Abu Mansoor Al Amriki: Waxaan ka baqayaa in Al Shabab i qaarijiyaan

Abu Mansuur Al Amriki oo ka mid ah hogaamiyaasha Al Qacida ee dalka Soomaaliya iyo ururka Al Shabaab ayaa shaaciyey inuu naftiisa ugala baqayo kooxda Shabaab.

Muuqaal Video ah oo uu ku baahiye boga Youtube ayuu Al Imriki ku sheegay in noloshiisa ay qatar ku jirto kana baqayo in ay qaarijiyaan Al Shabaab.

“Waxaan duubayaa fariintan inta aanan dhiman, maxaa yeelay nolosheyda waxaa soo food saaray qatar, Al Shabaab ayaan uga baqayaa, sababtoo ah waxaan isku qilaafsanahay arimo la xiriira xaga fikirka habka ay Shabaab u wadaan dhaqan gelinta diinta Islaamka iyo dagaalada,” ayuu yiri.

Ninkan oo magaciisa rasmiga ah la yiraahdo Cumar Xamaami ayaa la baxay magaca ah Abu Mansuur Al Amriki, waxa uu kasoo jeedaa dalka Mareykanka.

Dowlada Mareykanka ayaa ku sifeeyey mid ka mid ah kuwa ugu qatarsan muwaadiniinta kasoo jeedo Mareykanka ee argagixisada ku biiray.

Waxa uu Soomaaliya yimid wixi ka danbeeyey sanadki 2006, waxaana uu ka qeybqaatay dagaalo fara badan oo ay Al Qacida iyo Al Shabaab ka fuliyeen dalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.