Abu C/raxman: “Markaan waxaa la joogaa doorkii odayaasha”

Xarakada Al Shabab ayaa sheegtay in dagaalada ay ka wadaan Muqdisho ay hada kusoo biireen odayaasha dhaqanka oo ay sheegeen in ay qaateen qoryaha.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ee Xarakada Al Shabab, Maxamed Xasan Cumar (Abu C/raxman) oo kulan kula qaatay shalay duleedka waqooyi ee magaalada Muqdisho odayaal taageersan Al Shabab ayaa sheegay in hada uu bilowday doorki odayaasha ee ka qeybgalka dagaalada.

Wuxuu sheegay in kulamo uu afar maalin la lahaa odayaasha ay kasoo baxeen in markaan dagaalada ay Shabaab ka wadaan Muqdisho la xoojiyo kana qeyb qaataan odayaasha dhaqanka ee gobolka Banaadir.

“Meeshi ay waqtigi hore ay dhalinyrada ku jiri jireen dagaalka, maanta waxaa u fadhiya odayaashi iyo duqowdi, jihaadka hada waxaa ku biiray odayaasha ILAAH ayaana uga mahad celinaynaa, odayaasha odaw walba wuxuu matalaa beeshiisa,” ayuu yiri.

Al Shabab ayaa tan iyo marki ay ka baxeen magaalada Muqdisho bilowgi bisgi August ee sanadki hore waxay ka wadeen daafaha Muqdisho dagaalo ku dhifoo ka dhaqaaq ah oo ay kusoo qaadaan fariisimaha ciidamada Amisom iyo kuwa dowlada KMG Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.