Abramovich oo £100-milyan u ballaan qaaday Jose Mourinho

Tababare Jose Mourinho ayaa loo badinayaa in uu dib ugu soo laabto kooxda Ingriiska ee Chelsea,, iyadoona uu qaadan doono 100 milyan oo £100milyan.

Special One ayaa kula guuleestay tartanka koobka Champions League sannadki 2004-ta, waana koobkii ugu horreysay ee uu hanto kooxda the Blues.

Jose Mourinho kooxda uu hadda la joogo ee Real Madrid xaley ayaa laga reebay tartanka Champions League.

Kooxda Chelsea ayaa sidoo kale £50 million ku baadigoobeysoo weeraryahanka Atletico Madrid Radamel Falcao, waana mid ka mid ah xiddiga sida wayn looga sugaayo Stamford Bridge.

Abramovich sidoo kale wuxuu xiriir la sameeyay xidigga kooxda Bayern Leverkusen ee Andre Schurrle waxaana uu ku rabaa £20m,waxaana ay hadda u muuqataa in shan sanno oo heshiis ah lagali doonaan ciyaaryahankan.

Kooxda Blues waxa ay muddo dheer raadineysay ciyaaryahanka Everton’s Marouane Fellaini kaasoo u muuqda in uu ka tagi doono garoonka Goodison, laakin waa in lagu helaa £20m.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here