Abidal oo isbitaalka laga soo saaray

Daafaca Barcelona Eric Abidal ayaa laga soo saaray isbitaalka kadib marki qaliin beerka loogaga badalay laguna talaalay baar kale lagu sameeyey.

32 jirkaan ayaa lagu daweyey isbitaalka Hospital Barcaclinic 10-ki bishi April, xilli mudo ka yar sanad qaliin buro ka saari sah loogaga sameeyey beerkiisa.

Abidal haatan waxaa loo ogolaaday inuu ku laaban karo gurigiisa halkaas oo uu ku qaadan doono baxnaano sida ay xaqiijiyeen dhaqaatiirka kooxda Barcelona.

Warkaan ayaa dhiiri gelin u ah xidigaha Barca oo 25-ka bishan May la balansan kooxda Athletic Bilbao oo ay la ciyaari doonaan finalka koobka Copa del Rey, kulankaas ayaa ah kan ugu danbeeya ee tababare Pep Guardiola.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.