Abidal oo beerkiisa loogu badali doono beer abuur ah

Kadib marki ay kooxda Barcelona ku dhawaaqday horaanti todobaadkan in daafacooda Eric Abidal lagu sameyn doono qaliin killi cusub loogu talaalayo, ayaa la filayaa in howlgalkaasi uu dhaco isniinka soo aadan oo ku beegan March 26.

Sida laga soo xigtay wargeyska L’Equipe ee kasoo baxa dalka Faransiiska laacibkaan Muslimka ah ee 32 jirka waxa saalada la saarayaa Isniinta, hase yeeshee wali war rasmi ah kama aysan soo bixin Barcelona.

Abidal oo ka tirsan xulka qaranka France ayaa sanadki hore lagu sameeyey qaliin beerka ah kadib marki ay baarka uga soo baxday buro, mudo kadib wuu soo caafimaaday dib ayuuna garoonka ugu soo laabtay finalka tartanka Champions League ee sanadki tagay oo ay qaaday kooxdiisa Barca.

Haatan waxaa la leeyahay waxaa qeyb ka mid ah beerkiisa ugu deeqay nin ay yaraantoodii ilaa iyo iminka saaxibo ahaayeen.

Inkastoo uu xanuunsanyahay,  Abidal wali waxa uu la aalamiinteynayaa kooxda Barcelona.