Abidal Mustaqbalkiisa Barca ma ahan mid kala cad

Ciyaaryayhanka reer Farance Eric Abidal ayaan wali kala cadeen si joogitaanka kooxda Barcelona iyo garoonka Camp Nou.

33-jirkan ayaa dib ugu soo laabtay kooxda bishii April, wuxuuna horiyaalka dhammaadka ku dhowe ee La Liga ka cayaaray afar kulan.

Wakiilka ciyaaryahanka ayaa sheegay in aan weli la kala cadeen Karin in uu sii joogayo Abidal kooxda iyo in kale maadama uusan saxiixin heshiis cusub.

Abidal ayaa heshiiskiisa uu ku egyahay xilli ciyaareedkan hadda socda.

“Abidal wali wuxuu ka fikirayaa mustaqbalkiisa kooxda Barcelona oo wali lakala cadeen karin,” ayuu u sheegay David Venditelli idaacadda RAC1.

“Ma cadda in uu Barcelona u sii ciyaari doono iyo in kale, waana dhibka ugu wayn ee heesta Eric. Barcelona ayaa masuul ka ahn in ay u soo bandhigto ciyaaryahanka heshiis cusub .” ayuu yiri wakiilka ciyaaryahanka

Abidal iyo difaaca kale ee Carlos Puyol ayaa tababarka ku soo laabtay, waxaa kaloo lagu arkay Arbacadii garoonka Catalan-ka sidoo kale waxaa si buuxda u soo laabtay Javier Mascherano oo isna dhaawacnaa.

Ciyaaryahaka rer Argentina ayaa ku dhaawacmay ciyaarka tirsaneed wareega quarter-final –ka tartanka kooxaha qaaradda Yurub ee UEFA Champions oo ay la ciyaareen kooxda Paris Saint-Germain  April 2, waxaana dhaawiciisa uu qaatay in shan toddobaad uu ka soo kabsadoo dhaawaca ka soo gaaray Anqowga.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here