Abaanduulaha Ciidamada Xooga Dalka oo ka Hadlay Arrimo Kala Duwan

Xilli magaalada Muqdisho ay kusoo badanaayaan musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka Gen. C/kariin Yuusuf Aadan Dhegabadan.

Gen. Dhaga badan ayaa waxaa uu sheegay in uu waajib iyaga ka saaaran yahay Amaanka Musharixiinta faraha badan eek u soo qul qulaya magaalada Muqdisho oo doonaya in ay ka qayb qaataan doorashada dalka laga qabanayo .

Waxaa uu sheegay Amaan duuluhu in ay in Musharax walba sugayaan Amaankiisa aysana ciidamadu la safneyn Musharax gaar ah Ciidan gaar ahna ay usaarayaan Sugida amaankooda Lkn waxaaa uu meesha ka saaray in Loo ogolyahay Musharixiinta in Ciidamo ugaar ah ay yeeshaan oo aan kuwa dowlada ahayn .

Dhanka kale Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka Gen. C/kariin Yuusuf Aadan Dhegabadan ayaa ka hadlay dagaalka iyo duqaymaha maal mahaaan dambe ka dhacaayay gobolka Jubbada hoose.

Waxaana uu sheegay in Ciidamada huwanta ah ee isgarabsanayaa ay guulo waaweyn gaareen oo ay deegaaano badan la wareegeen dhinaca kalena waxaa uu ka gaabsaday in uu ka hadlo Duqeymaha maanta maalintii 3.aad ka socda Deegaano badan oo ka tirsan jubbada hoose oo kismaayana ay ku jirto.

Hadalka Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka Soomaaliya waxa uu kusoo aaday xilli 10-ka bishaan ay magaalada Muqdisho ka dhacayso doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here