Abaalmarinta Ballon d’Or oo maanta la bixinaayo

 

Ronaldo oo loo saadaaliyay
Ronaldo oo loo saadaaliyay

Magaalada Zurich ee dalka Swezerland ayaa maanta oo Isniin ah la filayaa in looga dhawaaqo cayaaryahanka ugu wanaagsan adduunka ee sannadka 2013-ka Ballon d’Or.

Shabakadda Goal.com ayaa saadaalisay in cayaaryahanka rer Portugal uu ku guuleesan karo abaalmarinta, sannadkan maadama uu dhaliyay 69-gool 50-kulan oo uu u cayaaray kooxda  Real Madrid iyo Portugal.

Ronaldo ayaa waxaa kula tartamaya abaalmarinta Lionel Messi oo afar jeer ku guuleestay abaalmarintan iyo Franck Ribery.

Dad badan oo odorosa cayaaraha waxa ay lee yihiin, Ronaldo ayaa laga yaabaa in uu ku guuleesto abaalmarinta maadaama xilli cayaareedkii horre uu sameeyay guulo la taaban karo.

Messi waxaa sannadkii horre la haray kubadiisa dhaawacyo, taasoo keentay in laga waayo fagaaraha cayaaraha, balse Ribery ayaa guulo la taaban karo gaarsiiyay kooxdiisa Bayern Munich.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here