Aala-Sheekh vs Damul-jadiid: Tartankii ugu adkaa ee aqalka Hoose oo cadaado…

cadaadoCadaado-Soomaaliya: Magaalada Cadaado ee xaruunta maamul Goboleedka Galmudug, ayaa lagu wadaa in maanta lagu doorto Mid kamid ah Kuraasta Beesha Saleebaan ee aqalka Hoose.

Kursigan ayaa waxaa ku loolamaya Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Sheekh C/qaadir Cali Cumar iyo Ganacsade lagu magacaabo Saabir Nuur Shuuriye oo taageero ka heysta Madaxtooyada.

Kursigaan ayaa lamid noqon doona sida kursigii uu todobaad ka hor ay ku tartameen Agaasime Kuxigeenkii Madaxtooyada Saadaq C/kariin iyo Eng. C/llaahi Cali Xasan.

Hase ahaatee Kursigan ayaa la sheegayaa inuu kaga duwanaan doono tartankii kuraastii hore oo badankood lagu bixiyay dhaqaale aad u fara badan.

Madaxtooyada ayaa dadaal badan gelineysa sidii ay meesha uga saari laheyd C/qaadir Cali Cumar oo ah Saaxibka koowaad ee Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.

Balse C/qaadir Cali Cumar ayaa taageero ka heysta deegaanka, halka ninka la tartamayo uu wato dhaqaale aad u fara badan, waana mida ay ku kala duwan yihiin, isla markaana laga yaabo in lacagta ay shaqeyn weydo.

Tartamadii kuraastii hore ee laga soo doortay Cadaado ayaa loo adeegsaday dhaqaale fara badan iyo awood, taasoo keentay walaaca Beesha Caalamka iyo in shaki la geliyo qaar ka mid ah kuraastii lagu guuleystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here