A.Madoobe oo ka qayb galaya shirka Brussels

Ahmed_Madobe_660Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo, aya sheegaya in saakay wafdi uu hogaaminayo M/weynaha maamulka KMG ee Jubba Axmed Madoobe uu ka ambo baxay halkaas, waxaana sida wararka ay sheegayaan ay kusii jeedaan magaalada Brussels ee dalka Biljamka.

Axmed Madoobe ayaa waxa ka hor inta uusan u ambabaxin magaalada Kismaayo mar uu saxaafada la hadlay waxa uu sheegay inay ka qeyb gali doonaan Shirka New Deal ee ka furmaya 16-ka bishan magaalada Brussles ee dalka Bulgium-ka.

Waxa uu Axmed Madoobe oo safarkiisa ku hormari doonaa magaalada Nairobi kadibna uu ugu sii ambabaxi doono Dalka Biljimka.

“Waxaan usoconaa inan ka qeyb galno shirka maalmo kadib furmi doono,waxaana ka rajeynayaa natiijada shirkaasi inuu noqdo mid wax weyn kusoo kordhiya ama ka qeyb qaadashada dib udhiska dalka Somaliya mid wado ufurta ayuu yiri Axmed Madoobe”.

Waa markii ugu horesyay ee uu Axmed Madoobe ugu anba baxo safar dhanka dibadda ah, gaar ahaan wadamada Yurub tan iyo markii uu heshiis is afgarad ah la gaaray DFS.

Axmed madoobe ayaa horay uga tirsanaan jiray Ururka Xisbul Islaam oo markii danbo bur buray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here