Shiikhunaa Maye oo noqday afhayeenka Baarlamanka K/galbeed

Magaalada Baydhabo
Magaalada Baydhabo

Magaaalada Baydhabo ee Gobolka Bay waxa maanta ka dhacay doorashadii baarlamaanka ee Maamulka Koonfur Galbeed, Soomaaliya. Doorashada oo ay ka qeyb qaateen 144 xildhibaan oo ka mid ah 149ka xildhibaan ee baarlamaanka dawlad goboleedkaas ayaa guddoomiye loogu doortay Cabduqaadir Shariif Shiikunaa Maye.

Shirka Baarlamaanka ee maamulka Koonfurgalbeed oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka Koonfurgalbeed waxaana xilka guddoomiyaha u tartamayay labo musharax oo kala ah Cabdiqaadir Shariif Sheekhuna Maye iyo Cali Xasan Cismaan, waxaana shirka soo xaadirtay 142 mudane.

Wareeggii koowaad ee doorashada ayaa markii la galay Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye waxa uu helay 109 cod, halka musharaxa la tartamayay Cali Xasan Cisaman uu isna helay 33 cod, sidaasina waxaa guddoomiyaha baarlamaanka ee Maamulka Koonfurgalbeed noqday Cabdiqaadir Shariif Sheekhuna Maye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here