Wasiiradda Dhaqanka Swedan oo doolsho ay cuntay dhalisay qeylo. “Daawo Filimka”.

Wasiirka dhaqanka Swedan Lena Adelsohn Liljeroth booqaneysay goob Museum ah oo ku taal magaalada Stockholm, halkaasi oo lagu soo bandhigayay sawirka adduunka ee loogu magac daray World Art Day,  waxayna cuntay doolsho loo ekeysiiyay qof dumar Afrikan ah.

Doolshada ay cuntay Wasiiradda ee loo ekeysiiyay qofka dumar marka ay mindida ku jaraneysay uu bixinayay qeylo, sida qof xanuunsanaya oo kale, waxayna arintan si weyn uga careysiisay mujtamac badan oo cadan iyo madowba leh.

Wasiiradda ayaa lagu eedeeyay iney sameysay cunsurinimo, taasoo keentay in loogu baaqo iney xilka iska  casisho, hase ahaatee waxay cudur daar ka bixisay arintaasi.

Lena Adelsohn waxay warbaahinta u sheegtay in falkan uusan aheyn cunsurinimo, iyadoo xustay in lagu siray doolshadaasi, waxayse u dhigtay in doolshada sawirka qofeed loo ekeysiiyay uu ahaa mid lagu kicinayay dadka Madowga ah ee ku nool Afrika oo aaminsan weli gudniinka fircooniga, ujeedadana waxay aheyd bey tiri qeyb ka mid ah dagaalka lagula jiro gudniinka fircooniga.

Laakiin dadka madow iyo caddaan reer Swedan ayaa arintaasi ku qancin waxayna ka codsadeen in ay xilka iska casisho maadaama ay ku kacday fal cunsurinimo ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.