8 ruux oo saacadihi lasoo dhaafay lagu dilay Baladweyne

Ku dhawaad 10 ruux ayaa lagu dilay 24-ki saac ee lasoo dhaafay qeybo ka mid ah magaalada Baladweyne ee caasimada gobolka Hiiraan.

Dadka dhintay oo isugu jira ciidamo ka tirsan dowlada, Al Shabaab iyo dad rayid ah ayaa geeriyooday inti u dhaxeysay shalay, xalay iyo maanta.

Dilki ugu danbeeyey ayaa ahaa nin darawal ahaa oo kaxeeya gaadiidka BL-ka kaasi oo ay ciidamo ka tirsan kuwa dooxada Shabelle ku toogteen duhurninmadi maanta bartamaha magaalada.

Dhimashada ninkan ayey ku sheegeen dadka goobjooga ah in ay timid marki uu ka madax adeegay lacago baad ah oo ay weydiiyeen ciidamada Dooxada Shabelle.

Xalayna laba dhalinyara ah ayaa lagu dilay xaafada Kooshin xilli ay lugeynayeen, lama oga sababta loo dilay hase yeeshee waxaa xiliyada habeenki ah saaran magaalada Bandoow.

Tan iyo marki ay soo galeen magaalada ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowlada waxaa saarnaa bandoow, iyadoo bandowga uu sii xoogeystay habeenadi lasoo dhaafay ka gadaal marki ay Al Shabaab halkaasi ka bilaabeen dagaalo dhuumaaleysi ah.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.