8 askari oo ku dhaawacantay shil ka dhacay duleedka Baladweyne

Ugu yaraan sideed askari oo ka tirsan ciidamada taabacsan dowlada KMG Soomaaliya ee ku sugan Baladweyne ayaa ku dhaawacantay marki uu shil la galay gaari ay la socdeen.

Baabuurka shilka la galay oo ahaa Cabdi Bile ayaa waxaa la sheegay inuu ku dhacay god meel lagu magacaabo Xujo oo qiyaastii 18-km dhinaca bari kaga beegan magaalada Baladweyne sida ay sheegayaan saraakiisha ciidanka.

Dhaawacyada askarta ayaa la dhigay isbitaalka Magaalada Baladweyne iyadoo ay jiraan qaar qaba dhaawacyo halis ah sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada dowlada ee ku sugan halkaasi.

Dhinaca kale cabsi ayaa laga soo sheegayaa degmada Buula Barde ee gobolka Hiiraan halkaasi oo ay kusii siqayaan ciidanka dowlada oo saakay qabsaday deegaano u dhaxeeya Baladweyne iyo Buula Barde.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.