Dowlada KMG oo si rasmi ah maanta ugu dhawaaqday maamulka cusub ee Gobolka Sh/dhexe


Munaasabad maanta ka dhacday xarunta wasaarada arrimaha gudaha Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa loogaga dhawaaqay maamulka cusub ee gobolka Sh/dhexe iyo kan degmooyinka gobolka.

Xaflada oo ay goob joog ka ahaayeen wasiiro, xildhibaano iyo qaar ka mid ah dadka xilalka loo magacaabay, ayaa waxaa laga aqriyey wareegto kasoo baxday madaxweynaha oo lagu magacaabay gudoonka sare ee gobolka iyo qoraal kasoo baxay wasaarada arrimaha gudaha oo lagu magacaabay gudoomiyaasha degmooyinka gobolka.

Gudoomiyaha gobolka Sh/dhexe ayaa waxaa loo magacaabay Eng. Cabdi Jiinoow Calasow, halka ku xigeenka koowaadna laga dhigay Yusuf Cabdi Cabdulle, waxaa sidoo kale la magacaabay Cali Cisman Ibrahim oo laga dhigay gudoomiye kuxigeenka Maaliyada iyo Horumarinta.

Maxamed Guunshe Maxamed ayaa isna loo magacaabay gudoomiye ku xigeenka labaad ee amniga, halka C/laahi Cali Axmed (Indhooy) loo cayinay xoghayaha guud ee gobolka Sh/dhexe.

Sidoo kale waxaa la magacaabay gudoomiyaasha degmooyinka gobolka Sh/dhexe waxaana ay kala yihiin sidan:

Gudoomiyaha degmada Jowhar: Maxamed Amiin Ismaan Xaaji Caqiil.
1- Gudoomiyaha degmada Mahadaay: Shariif Abukar Axmed.
2-Gudoomiyaha degmada Balcad:  Cisman Maxamed Maxamuud.

3- Gudoomiyaha degmada Warshiiq: Axmed Cali Xasan

4- Gudoomiyaha degmada Raage-Ceelle: Yusuf Xaaji Maxamed Nur

5-Gudoomiyaha degmada Aadan yabaal: Maxamed Sheekh Xasan Maxamuud.

6-Gudoomiyaha degmada Cadale: Muxidiin Suudi Macalin.

7-Gudoomiyaha degmada Ruunirgood: Muxidiin Cabdi Calasow.

Ugu danbeyntiina waxaa la magacaabay taliyaha ciidamada gobolka Sh/dhexe kaasi oo laga dhigay G/sare Maxamed Cabdi Eebboow.

Gobolka Sh/dhexe ayaa waxaa wali gacanta ku haya Xarakada Al Shabaab, waxaase maalmahan ka socday Muqdisho dhaq dhaqaaq xoogan oo loogu diyaar garoobayo in lagu qabto sida ay sheegayaan warar ku dhaw dhaw wasaarada arimaga gudaha.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

2 COMMENTS

  1. asla cauhulaykum warax matulaahi wabarakaat salaanta islamka kadib walalayaal waxaa su aal iga ah sida wax loo qeeb saday hadeey sax tahay waa wax wanaaga kujira lakiin su asheeyda waxeey tahay anigoo ku abtirsada wacadaan cismaan waxaa su aal iga ah qeebsiga wax makulee yihiin adeerkeey hilibi dalandoole oo ah dadka dagaanka daga hadeey kujiraan waa sidii larabay marka hadeeysan dhicin taa waa mid aan lodhameen lasocda taa dadka su asheeyda ku socoto waa kan adeerka loyahay ee abgaal cusmaan waxaan sugaba waa jawaab

  2. asla cauhulaykum warax matulaahi wabarakaat salaanta islamka kadib walalayaal waxaa su aal iga ah sida wax loo qeeb saday hadeey sax tahay waa wax wanaaga kujira lakiin su asheeyda waxeey tahay anigoo ku abtirsada wacadaan cismaan waxaa su aal iga ah qeebsiga wax makulee yihiin adeerkeey hilibi dalandoole oo ah dadka dagaanka daga hadeey kujiraan waa sidii larabay marka hadeeysan dhicin taa waa mid aan lodhameen lasocda taa dadka su asheeyda ku socoto waa kan adeerka loyahay ee abgaal cusmaan waxaan sugaba waa jawaab

    anigoo ah wiil wacadaan cismaan wasalaamu caleeyku

Comments are closed.