750 Askar Kenyan ah oo ka Dagay Dekada Magaalada Kismaayo

Waxaa Saacadihii u dambeeyay ku xirtay Dekada Magaalada Kismaayo in kabadan 750 askari keyan ah, kuwaasoo la sheegay inay badalayaan ciidamada ku sugan Magaalada Kismaayo.

Ciidamadan oo ah Milatariga Kenya ayaa dhamaan qalabkooda iyo iyaga waxaa keenya Markab nooca dagaalka ah, kaasoo ku soo xirtay Dekada Kismaayo, waxaana si aad ah loo adkeeyay amaanka Dekada.

Ciidamadan ayaa badali doona sida la sheegay 750 askari oo kale, kuwaasoo dib dalkooda loogu soo celin doono.

Sidoo kale Dekada Magaalada Kismaayo ayaa la sheegayaa inuu ku soo xiraty Markab nooca xamuulka ah, kaasoo Saanad milatari u wada ciidamada huwanta ah.

Markabkan saanada Milatari wado ayaa warar hoose waxa ay warinayaan in uu ka soo sharaacday muqdisho, halkaasoo uu ku yaalo Taliska ciidamada AMSIOM.

Dekada Kismaayo waxaa gacanta ku haya Milatariga Kenya, waxaana aad loo adkeeyay amaanka, sidoo kale waxay la socdaan dhaq dhaqaaqa Dekada iyo wax walba oo ka soo daganaya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here