71-suxufi oo la dilay sannadkan 2013 iyagoo ku jira shaqadooda

-Warbixin ay soo saareen maanta oo Khamiis ah Suxufiyiinta aan xuduuda lahayn ee RSF ayaa lagu sheegay beegsiga shaqaalaha warbaahinta in ay weli socoto.

Warbixinta ururkan ayaa lagu sheegay in sannadkan sii dhammaanaya la dilay 71-suxufi kuwaasoo la khaarijiyay iyagoo ku jira shaqadooda.

Ururkan oo fadhigiisu uu yahay magaalada Paris ee dalka Faransiiska waxaa kaloo uu sheegay in waddamada Syria, Soomaaliya iyo Pakistan ay ugu horreeyaan dalalka lagu dhibaateeyo wariyaasha adduunka.

Waddamadan ayaa ka mid noqday shanta waddan ee adduunka lagu dhibaateeyo suxufiyiinta waxaana soo raaca waddamada India iyo Philippines, oo badalay Mexico iyo Brazil oo horrey ugu jiray liiskan.

Waddamada ku yaalla Asia waxaa lagu dilay 24-suxufi halka bariga dhexe iyo waqooyiga Afrika lagu dilay 23-suxufi.

129 wariye in ka badan ayaa la afduubtay sida lagu sheegay warbixinta RSF.

Ugu dambeyn warbixita RSF ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 178 suxufi la dhigay xabsiga iyagoo loo heesto howlaha ay u hayaan bulshadda.

Ra’yigaaga ka soo dhiibo?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here