7 ruux oo ku dhimatay doon ku qalibantay xeebaha Jasiirada Lamu ee dalka Kenya

Ugu yaraan 7 ruux ayaa ku geeriyootay qaar kale oo badana waa la la,yahay kadib marki ay kula qalibantay xeebaha dalka Kenya dooni kuwa rakaabka ah.

Ururka Laanqeerta Cas ayaa xaqiijiyey dhimashada todobada ruux sida ay ku warantay wakaalada wararka ee AP, sidoo kale waxaa la la,yahay in ka badan 20 ruux.

Shilkan oo dhacay maanta ayaa la tilmaamay inuu yimid kadib marki ay ku gadoontay doonta iyada oo mareysa meel u dhaw magaalada loo dalxiiska tago ee Lamu oo u dhaw xadka Soomaaliya.

Warar laga soo xigtay warbaahinta Kenya ayaa sheegaya in la badbaadiyey 23 ka mid ah dadki saarnaa doonida.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.