7 Qof Oo Ku Dhimatay Dagaal Ka Dhacay Afgooye

AMISOM AfgooyeCiidamada dowladda Soomaaliya iyo Amisom ayaa dib isaga caabiyey weerar culus oo maleeshiyada Al-Shabaab ay ku qaadeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Qof goobjooge ah ayaa sheegay in Al-Shabaab ay afar jiho gantaallo kaga soo weerareen Afgooye, abaare 1:30 AM ee talaadada maanta ah (2/16/2016), waxaana kadib xigay dagaal qaraar.

Goobjoogeyaal iyo saraakiil ayaa xaqiijiyey in toddoba qofoo ay ku jiraan dad shacab ah lagu dilay dagaalka.

Weerarka Al-Shabaab ayaa lala beegsanayay saldhigga ciidamada dowladda Soomaaliya ee deegaanka Mukayga. Waxaa sidoo kale la beegsaday bar kontorool oo ciidamad ay ku lee yihiin meel u dhow Afgooye.

Sarkaal ka tirsan dowladda Soomaaliya, Cabdullahi Xasan ayaa sheegay in ciidamada ay iska caabiyeen weerarka Al-Shabaab.

Cabdullahi Xasan waxa uu sheegay in shabaabka ay dileen shan qof oo ay ku jiraan afar caruur ah.Goobjoogeyaal ayaa xaqiijiyey inay jirto dhimasho ay ku jiraan caruur, balse ma aysan caddeyn haddii ay Shabaabka dileen, ama in ay dagaalka ku dhinteen.

Radio-ga Al-Shabaab ayaa sheegay in 10 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda lagu dilay weerarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here