7 mudane oo isu soo taagtay xilka gudoomiye xigeenka baarlamaanka

Ilaa iyo todobo mudane oo ay ku jiraan xildhibaanada Mowlid Macaani Maxamuud iyo Prof. Maxamed Cumar Dhalxa ayaa isu soo taagay xilka gudoomiye xigeenka baarlamaanka Soomaaliya.

Fadhi ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho xildhibaanada baarlamaanka ayey lagaga dhawaaqay xildhibaanada u taagan gudoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka kuwaasi oo uu xildhibaanada ka hor aqiyey Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmadheere).

Murashaxiinta ayaa lagu wadaa in maalinta berito ah ay hor tagaan baarlamaanka isla markaana ay qudbado ku aadan doonitaankooda xilka ka jeediyaan halkaasi.

Dhanka kale xildhibaanada ayaa ka dooday warqadi dhawaan kasoo baxday Golaha Wasiirada IGAD ee lagu xaaraantinimeeyey xil ka qaadisti gudoomiye Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana ay ku tilmaameen wax been ah oo lasoo dhoodhoobay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.