7 Askari oo ku geeriyootay Shil maanta kadhacay Deegaanka Treedisho

Wararka laga helayo Deegaanka Treedisho ee Duleedka Magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in maanta uu shil ka dhacay halkaasi waxaana ka dhashay khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ilaa 7 Askari oo katirsan Ciidanka Dawlada ayaa la sheegay inay shilkaasi ku geeriyoodeen iyadoo afar qof ay sidoo kale shilka ku dhaawacmeen.

Dadka dhaawaca soo gaaray waxa ka mid ah Sawir qaade ushaqeynayey Tv-ga Horn Caple Xafiiskiisa muqdisho waxaana dhaawacyada iyo dadka dhintay Meydkooda loo soo qaaday Muqdisho.

Gaariga shilka galay ayaa waxa la sheegayaa in isagoo xowli usocda uu wadada ka baxay waxaana sidaasi ku dhacay shilkaasi khasaaraha badan dhaliyey.

Baaburka shilka galay ayaa qeyb ka ahaa kollonyo Gaadiid ah oo ay la socdeen Gudi dawlada dhawaan umagacowday inay soo qiimeeyaan Xaalada Abaar ee ka jirta Gobolka Shabellaha Hoose.

Inta badan shilalka ka dhaca Somaliya ayaa lagu macneeyaa in gaadiidka oo darawaladu xowli uwadaan xilli waddooyinka ay bur bursan yihiin iyadoo qadarta rabi ay halkeeda tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here