Juventus oo rajo ka leh Evra

Juventus oo rajo ka leh Evra
Juventus oo rajo ka leh Evra

Juventus ayaa rajo ka leh in ay la soo wareegto cayaaryahanka dambe ee difaaca  Manchester United, Patrice Evra si uu yimiaado garoonkaTurin xilli cayaareedkan, waxaana loo soo bandhigay labo soo qandaraas ah.

Cayaaryahanka reer France ayaa Khamiista maanta ah da’diisa ay noqotay 33-jir,waxaana loo badinayaa in uu ka tago Old Trafford, maadama heshiiskiisa uu dhammaad ku dhow yahay.

Kooxda heesata horyaalka Talyaaniga ee Juventus ayaa suuqa mashquul ku ah si ay u hesho cayaartoy laf dhabar ah, maadama ay ay ka qeybgaleyso horyaalka Yurub ee  Champions League.

Macallinka uu shakiga ku jiro mustaqbalkiisa Antonio Conte, ayaa laga soo xigtay in Evra uu rabo in uu keeno Juve.

Juventus haddii ay la soo wareegto Evra waxa ay isbadal ku sameyn doontaa qaabka ay ku cayaarto iyadoo ku cayaari doonta hannaan ah 3-5-2 ama 4-3-3.

Evra ayaa xirfadiisa ka soo billaabay dalka Talyaaniga isagoona u soo cayaaray Marsala kaddibna u wareegay Monza, balse mar dambe ayuu dalkiisa ku laabtay.

Kooxda kale ee ka cayaarta Serie A-da ee Inter ayaa sidoo kale xiiso u qabta la soo saxiixitaanka Evra, iyadoo horrey ula soo wareegtay cayaaryahanka ay isku kooxda ahaayeen Nemanja Vidic .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here