60 arday ah oo ka qalin jabisay dugsiga sare ee Al Zubeyr magaalada Muqdisho + Sawiro

Waxaa todobaadkaan ka qalinjabiyey Iskuulka Al Zubeyr ee magaalada Muqdisho gaar ahaan dugsiga sare 60 arday ah oo isugu jirtay hablo iyo wiilal.

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu qabtay howlka Jaamacada Palasma ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kasoo qeybgalay maamulka Iskuulka, Macalimiinta, Ardayda, Waalidiinta iyo martisharaf kale.

Ardayda oo qaarkood ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin in ay ka qalin jabiyaan iskuulka isla markaana ay haatan rajo ka qabaan in ay horay usii wataan waxbarashadooda ilaa heerka jaamacadeed.

Iskuulka Al Zubeyr ayaa ka mid ah iskuulada ugu caansan magaalada Muqdisho, waxaana wax ka barta arday isugu jirta heerarka hoose, dhexe iyo sare.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

  1. sc dhamaan ardayda ka qalan jibisay dugsiga zubeir waxan leeyahay hanbalyo hanbalyo dardarankeygu waa horay u si wadashada waxbarasha ayan idinku dhicin kala go darasada waxbarashada inshaa allah .

Comments are closed.