6 ruux oo ku dhimatay Roobab Awdal ka da’ay

829C3CF8-09DA-4B41-8227-3BF6F216F35B_w640_r1_s_cx0_cy20_cw98Ugu yaraan 6 ruux oo ay ku jiraa caruur iyo dad waayeel ah ayaa ku dhintay roobab xooggan oo ka da’ay magaalada Dilla ee gobolka Awdal.

Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan ayaa VOA u xaqiijiyay dhimashada dadkan.

Daadad ka dhashay roobab da’ayay 5-tii ilaa 7-di fiidnimo ayaa waxay jabiyeen balliyo ku yaalla dhanka sare ee magaalada Dilla, waxaana ay waxyeello u geysteen goobo ganacsi ah.

Gobolka Awdal wuxuu ka mid ahaa meelaha ay ka jireen abaarro saameeyay dad aad u fara badan.

Maamulka Gobolka Awdal ayaa bishii hore ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo dhinaca abaaraha ah, kadib markii afar qof ay abaar ugu dhinteen deegaano ka tirsan Gobolka Awdal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here