6 Cisho kadib Haweeneey nool oo laga soo saaray dhismihii ku dumay Nairobi-Sawiro

Haweeneey nool oo laga soo saaray 6 cisho kadib dhismihii Niarobi ku dumay
Haweeneey nool oo laga soo saaray 6 cisho kadib dhismihii Niarobi ku dumay

Kooxaha gurmadka, ayaa waxay lix cisho ka dib ay maanta soo badbaadiyeen haweeney nool, oo ku hoos jirtay burburka dhismihii maalintii Jimcaha ku burburay Magaalada Nairobi.

Dhismahan oo lix dabaq ka koobnaa, ayaa dumay maalintii Jimcaha, waxaana ku dhintay dad fara-badan, iyadoo tiro kalana la la’yahay.

Hay’adda Bisha Cas Kenya, ayaa sheegtay inay haweeneydan noqonayso qofkii ugu horeeyay, ee Khamiistan laga soo saaro burburka hoostiisa, afartii qof ee maanta nolosha lagu soo badbaadiyay.

1462474390f4fd1

Haweeneydan, ayaa waxaa la sheegay in neef iyo nafaqaba lagu siiyay faleebo, markii ay burburka ka soo saareen kooxaha gurmadka. Waxaa haweeneydaasi ka muuqanaayay diif iyo itaal xumo.

Sarkaal u hadlay kooxaha gurmadka, ayaa sheegay ka hor intii aanay soo badbaadin haweeneydaasi inay wada hadleen nin dhakhtar ah, iyadoo u sheegtay inay wanaagsan tahay, balse aanay dhaq dhaqaaqi karin.

1462474392a8ba6

Kooxaha gurmadka, ayaa waxay gacmahoodu ku qodayeen dhegxaanta iyo ciidda, si ay haweeneydaasi uga soo saaraan burburka hoostiisa.

36 qof, ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhimatay dhismaha burburay maalintii Jimcaha, iyadoo la la’yahay 80 ruux oo kale.

14624743946e631 14624743955b75d 14624743975f758 146247440070e33 146247439611792 146247439627345

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here