Arragti Madaxbanaan:- Wariye Fiyoore Waa Muwaadin Qaran!!

fiyooreWixii ka dambeeyey Qaraxii Todobaad ka hor ka dhacey Magalada Muqdisho Gaar ahaan Wadada sixmada Badan ee Maka Al mukarama kaas oo lagu bartilmaamedsadey Gudoomiye ku xigeenka Dhinaca Amniga Ee G/sh/Hoose Axmed Mudane Waxaa soo baxayey warar sheegaya in Milkiilaha radio Danan Maxamed Bare cumar Fiyoore Uu ku lug lahaa Qaraxaasi.

Fiyoore Waa suxufi soomaaliyeed oo aan dhinacna ushaqeynin Dowlad iyo Al shabaab intuba.

Waxa uu ka mid Ahaa fiyoore Dhalinyaro tiro yar  oo Waqti aad ay u adkeyd Marxalada dalka in Saxafada ay ku shaqeyso ku fikirey  in ay hor mariyaan Warbaahinta Soomaaliya.

Tilaabadii ugu horeysay ee Fikirkaas Ayuu ku hirgeliyey Sanadkii 2009 Kii bilowgiisii Idaacad Madax banan oo Loogu magacdareyRadio Danan.

Waxa ay idacadaasi bilowdey baahinta Aragtiyada iyo codadka dadka Aqoonyahanka soomaaliyeed ee Waqtigaas dadka iyo dalkaba ay ka sugayeen Aragtiyo dalka lagu dhisi karey.

Dhinaca kalana Waxa ay shaqo Abuur unoqotey Dhalinyaro badan oo Xirfada Saxafada ku xamaasha oo Waqtigaaya uqeybsanaa Kuwa shaqo la aan ay heysay iyo kuwa ay ku jirtey Cabsi la xiriirta Qatar waqtigaasi kaga imaan kareysay dhinacyo Warbaahinta soomaaliya bartilmaamedsan jirey.

Laakiin fiyoore iyo Aqoonyahano Kale ayaa Unoqdey Dhiira gelin Markii ay suuqa Bakaraaha oo aad xiligaa looga cabsanayey ay ka hirgeliyeen Raadiyaha Danan.

Ma Aaminsani in Maxamed Bare Fiyoore Milkiilaha idacada Danan Ahna suxufi soomaaliyed uu ka Tirsan Kooxda Al shabaab.

Laakiin Warbaahinta qaar Ayaa qorayey Maalmihii Dambe in Fiyoore uu la shaqeyo Al shabaab.

Kuwaasi Miyeysan Ku fikirin In fiyoore uu leeyahay idacad uu Dhaqaaihiisa Ku hirgeliyey Haduu uu doonayana in uu Shabaab la shaqeeyana Miyuusan uqaadan Karin deegaanada ay Maamulaan.

Ka sokoow in Fiyoore uu yahay Milkiile Warbaahineed Miyey Qarsameysaa In uu yahay Suxufi Rug cadaa ah kana soo Shaqeeyey Wakaaladii Wararka Soomaaliyeed Ee SONA.

Hadii aan  idin weydiiyo intiina Saxafada shuruurcdeda wax ka taqaana Ma qalad baa in Goob shil Ka dhacey Saxafigana uu la kulmay uu Sawiro Ka qaadi karo.

Xusuuso Sanad guuradii Dib u Howlgalinta TVga Qaranka ee Lagu qabtey Golaha Murtida iyo Madadaalada Musiibadii Ka dhacdey Sow Wariyaashii Joogey Sawiro Laga naxo Kama aysan soo qaadin.

Qaraxii Hooyooyinka Kii Maxkamada Gobolka oo an wada ogeyn Sawiradii laga soo qaadey Maxaa loo xiri Waayey Sawir qaadayaashii Sawirada qaadey Hadaanan la siyaasadeyneynin Sawiradii Fiyoore.

Soomaaliya waqti badan oo ay bur bur saneyd Waxaa Xalka khilaafaadka Looga dambeyn jirey Odayaasha Dhaqan.

Inkastoon Hada dowlad shaqeyso iyo sharci Soo ifaya helnay Maxaa dib noolagu celinayaa  Oo Saxaafada loo Qabiileynayaa.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mustaf shiiq Cali Dhuxuloow Waxa aan leeyahay Hadii aan Cadaalada saxaafada aysan Simin Awooda Dowladnimana loo sinaanin Waxaan Si Fudud Ugu laaban karnaa Dhibkii aan soo dhaafney ee Saxaafada ay laheyd Gacantii ugu Balaarneyd laheyd in aan Ka soo Kabsano Ee (QABYAALADA).

Waxaan Qormadeyda ku soo Gaba gabeynayaa Waa caado in kooxdii Timaadaba ay la socdaan Dad wata Shaarka Saxaafada Suxfiyiintana Dhibaateeya ee Ha loo Dhabar adeego Dalka iyo Dadka ayaa inadhowraya oo Naga sugayo in aan dalka dhibka ka saarno.

W/Q:  Abdinaasir Mohamed Ali (France)

Mogadishu |Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here