50 ruux oo ku dhimatay dagaalo u dhaxeeya Boko Haram iyo ciidamada dowlada Nigeria

In ka badan 50 ruux ayaa ku geeriyootay dagaalo maalmihi lasoo dhaafay ku dhex maray ciidamada dowlada Nigeria iyo kooxda Islaamiga ah ee Boko Haram dhinaca waqooyi bari ee dalkaasi.

Maleeshiyaadka Boko Haram ayaa la sheegay in ay gaartay qasaaro xoog leh kadib dagaalo fool ka fool ah oo ku dhex maray magaalada Damaturu sida uu xaqiijiyey Taliyaha ciidanka dalkaasi Azubuike Ihejirika.

“Waxaanu dilnay in ka badan 50 iyaga ka mid ah, waxay nagala hor yimaadeen hub culus iyo bambooyin laakin ciidamadeena aadka u tababaran ayaa ka hor tagay,” ayuu yiri Lt Gen Ihejirika.

Sidoo kale todobo boolis ah ayaa la sheegay in ay ku dhinteen isku dhacdadaas sida uu Lawan Tanko oo ah sarkaal ka tirsan booliska u sheegay BBC.

Kooxdaan oo lagu magacaabo Boko Haram “Waxbarashada waa mamnuuc”, oayaa bartilmaameedsada ciidamada amaanka iyo hey’adadah dowlada.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.