5 ruux oo siyaabo kala duwan loogu dilay Kismaayo iyo dagaal ka dhacay duleedka magaalada

Wararka naga soo gaaraya Kismaayo ayaa sheegaya in gallabta ay dagaalo ka dhaceen duleedka magaalada.

Dagaalada oo u dhaxeeyey ciidamada Dowlada oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo Al Shabab ayaa marki hore ka bilowday deegaanka Kobakibir oo qiyaasti 40-km u jirto Kismaayo, sidoo kalana uu ku fiday tuulada Canjalo.

Inkastoo labada dhinac aysan ka hadlin dagaalada ayaa hadana waxaa soo baxaya in ay ku dhinteen ilaa iyo 7 ruux oo labada dhinac ah.

Dhanka kale, ilaa iyo shan ruux oo rayid ah ayaa siyaabo kala duwan loogu dilay gudaha magaalada Kismaayo maanta.

Dadka la dilay ayaa waxaa qaar guryaha ugu galay rag hubeysan, waxa kale oo ay dadka deegaanka sheegayaan in kuwo kale la dilay iyaga oo telfoono ku hadlaya kana sheekeynaya xaalada magaalada.

Ciidamada Dowlada iyo kuwa Kenya ayaanan wali magaalada gudaha u galin, Al Shababna kuma ayasan soo noqon xorumihi ay baneeyeen, ha yeeshee waxaa wali la sheegayaa in ay joogaan magaalada dhalinyaro ku hubeysan bistoolado.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here